CADDAALADA EEY IGA FILANAYAAN BAL WAATEE?

Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow waxaan ahay Qaadi Maxkamadeed, mushaarkeeygu waa $400/bishii, iyadana joogto uma aanan heli jirin mudo aad u dheer, waloow hadda laga soo roonaanayo.Waxaa intaa aniga shakhsiyan iisii dheer in aan leeyahay Sadex Xaas, iyo iskudar 12-Caruur ah, kuwaasoo marasho iyo masruuf iga sugaya, waloow mushaarkeeygu yahay kaa aan xaalkiisa idiin soo sheegay. Waxaan xukminayaa kiisas waaweyn, sida: Dilal, Jufsi, Hanti maguurto ah….IWM. Lacagta Laalushka ah ee sida joogtada ah la iigu yaboohayo waxeey udhaxeeysaa dhowr kun illaa iyo dhowr iyo toban kunoo Doolar, hadba sida kiisasku ukala culusyihiin

Inkastoo duruufaha nololeed ee iheeysta iyo dayaca dowladeed ee xanuunka badan eey yihiin kuwa igu qasbaya in aan “Go’aanno iigaar ah” qaato, hadana waxaa intaa kuusiidheer in musuqmaasuqa uu xafiiskastaba si waalli ah uga socdo, oo in sharci iyo Sharci-Dhaqangaliyeyaal (Law Enforcement) ku qabtaan iska daaye, ninkastoo jooga xafiis kamid ah kuwa dowlada, wuxuu si waali ah ugu shaqeeysanayaa in uu dhaqaalaha ugu badan kasameeyo, oo uu wax uun kaqabsado inta goori goortahay, waana sida midkastaba kugu dhiiragalinayo.

Feeylasha xafiiskeeyga yaalla xaqiiqdii dhulka ayey ii tuuranyihiin/dhoobanyihiin. Waxaa xiligan 2014-ka ah xafiiska iiyaalla Typewriter-radii waqti aad usii horeeysey lagu shaqeeynjirey. Hal Miis iyo kursi duug ah ayaa ii dhexyaalla xafiiska. Shelves iyaga warkoodaba daa. Budget ama Miisaaniyad aan naf laheyn oo aad uliidata ayaa xafiiskan lasiiyaa, oon aan xaqiiqdii ka xishoonayo xitaa sheegisteeda. Xafiiska shaqaalaha iiga shaqeeya sadex marka loo dhigo labameelood (2/3), waa dad aan ehel u aheyn howsha eey qabanayaan marka loo eego aqoon ahaan iyo khibrad ahaan intaba, balse reer iyo qabyaalad lagu keeney, waloow duruufaha dhaqaale dadku uu wada heeysto, hadana qaarbaa reero dhan u ah qofka kaliya ee ushaqeeya, oo waxaa kujira dumar ilmo Agoon ah oo eey iyaga dhaleen iyo kuwa walaalahood ka dhinteen oo waliba qaarkood Agoonnimo iyo Rajonimo isugu darsantay xafiiskan ka korinaya, sidaa daraadeed shaqo ka eryidooda ma iisahlana, oo damiirka ayaa diidaya, ileyn dalku shaqo malaha’e.

Arinta ugu xanuunka badan ayaa ah in madaxda qaar ay heeystaan ciidamo iyo tikniko farabadan oo waardiyeeya, ama eey isku ilaaliyaan sida:Wasiirada, kuxigeennadooda iyo wasiirudowlayaasha, waliba qaar waxaa usii dheer cutubyada sida gaarka ah utababaran ee Alpha Group, Sirkoodka qaranka ee NISA, iyo Ciidamada AMISOM sida: Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha, hadana nasiibdarro! Aniga iyo asxaabta Qaadiyaasha ila ah wax ilaalo ah ma heeysanno. Hadaan si kale u dhigo amnigeena aad ayuu udayacanyahay. Qaarkeen Biskoolad kaligeed ah ayey isku waardiyeeyaan, waloow waxa aad ku tareeysaba iska yartahay mar hadii laguusoo qalabqaato. Waxaa intaa kasiidaran in shacabka aan la raacno Basaska ama BL-ka caadiga ah. Waxaanasidoo kale dagannahay xaafadaha shacabka caadiga ah eey daganyihiin, oo habeenkiina aan uhoyanno, subaxiina aan kasoo jarmaadno, ama kasoo kallahno, sidaa daraadeed 23-Sharciyaqaan ama Qareenno kuwaasoo Maxkamadaha Qaadiyaal inagala ahaa ayaa sida eey udayacanyihiin darteed la khaarajiyey, ama dhagta dhiiga loodaray oo Ladiley.

Hadii madaxda ugu sarreeeysa eey Malaayiin Dollar kubixinayaan gadashada codadka xubnaha Baarlamaanka si eey midkood jagada uga tuuraan, midkalana loo ansixiyo, isagana sidoo kale Malaayiin Dollar Laaluush ugu bixinayo si uu kursiga ugu siidhaganaado, kuwa siyaasigaa ansixinaya ama ridayana waxa kaliga ee intooda badan farqiga usameeynayaahi yihiin inta laaluush ee ay arintaa ku helayaan, sababtoo ah iyagaaba laaluush jagadaa ugu soo baxay, oo lagu xuley ama lagu soo doortey, iyadoo xaqiiqduna tahay in dhaqaalaha sidaa loogu takrifalayo yahay hantidii Ummadan tabaaleeysan ey laheyd, dadkaa sidaa udhaqmayana yihiin kiwii kudayasho wanaagsan (Role Models) dadkan unoqon lahaa.

Waxaa intaa kuusii dheer in Wasiiradda, kuxigeennadooda, wasiirudowlayaasha iyo dhamaan shaqaalaha dowladeed ee Qurba-Joogta ah ee dhaqaalaha dalka usoo doontey, balse sheegta in eey dalka ugu soonoqdeen si dalkooda iyo dadkooda ay wax utaraan, waliba naftoodii usoo hureen, iyagoo xaasaskoodii iyo ilmahoodii uga soo tagay, balse nasiibdarro! Xilka maalinta laga qaado, isla maalinta xigta dalka ka dhoofa, waliba mortgage-kii ama guryihii eey qurbaha deynta ku qaateenna Pay off kawada dhiga,ama halmar wada bixiya”Cash”, iyagoo waliba bilo kooban xilalka hayey, musuqmaasuqa iyo boobka hantida shacabkan tabaaleeysan eey u geeysanayaan darted, iyadoo cidina aaneey “Xisaabi Xil Maleh” aaneey kusoo oogeeynin.

Waxaa xaqiiq jirta ah in maanta hadii aad dhaqaale heeysato, Police-ka, PS-ta, iyo Nabadsugidaba eey xabsiga kuu dhigayaan qofkastood doonto, mar hadiiba aad lacag qancisa diyaar ulatahay, dambiile kastana xabsiga kaaga siideeynayaan, mar hadiiba aad jeebabka ubuuxinkarto, waa waxa Al-Shabaab Saraakiil sarsaroo gacanta dowlada ka galay sida fudud ugala baxdey, meeshii eey rabaana ay u weeraraan iyadoo saraakiil sar saroo dowlada uga dhexshaqeeya macluumaadkasta siinayaan iyagoo dhaqaalo ku qaata. Waxaa sidoo kale jirta in dad badanoo dano kale darteed lagu qoonsadeyay xabsiyada buuxdhaafey ku dhamaanayaan, maadaama qolalkii 8-da qofood loogu talagalay lagu xiro 80-Qof iyo kabadan, kuwaasoo qaar istaag habeen ku dhameeysta, halka kuwa kalana maalintii istaag ku dhameeysta, sida la xaqiijiyeyna waa sababta sadex maxbuux ay dhawaan ugu geeriyoodeen xabsiga Beeydhabo.Maxaabiistaa waa ku jira caruur 10-jir ah, oo sida la sheegay dariiqyada laga soo qabtey, iyadoo lagu badsadey tirade Al-Shabaabnimada xaafadaha looga soo qabqabto.Waxaa sidoo kale hal meel iskula xiran, kuwii la xukumey, kuwo xukun sugayaal ahiyo kuwa wax dambi ahba aan laheyn.

GUNAANAD

Marka laga sootago qofka Diintiisa, dadnimadiisa, iyo daacadnimadiisa, hadana caalamka waxaa dadka musuqmaasuqa ka celiya in dalku leeyahay shuruuc hufanoo adag, iyo heey’ado iyo wakaalado nadiif ah oo dhaqangaliya shuruucdaa dalka udagsan, cidna aanan u aabayeelin, waatan Soomaalida qaarkeed yiraahdaan, “Kufaar Korkiisaas ka naxaa!”, qofka marka waxkasta laga sootago waa in uu jiraa cawaaqib xumo uu hubo in eey qabsaneeyso taasoo uu ka baqayo ama ka cabsanayo inta aanu musuqmaasuq ku dhaqaaqin. Waxaa intaa siidheer oo aad umuhiim ah in hogaanka saree dalka ugu awooda badan noqdo mid kudayasho mudan, oo si dhab ah ula dagaalama musuqmaasuqa, iyagana ka fogaada waxa eey dadka kala dagaalamayaan, dadkana si cadaalad ah uga haqabtira wixii ku qasbi lahaa in eey musuqmaasuq ku dhaqaaqaan.Hadii taa lawaayana waa in eey iyaga naftooda wax eey ka baqayaan uu jiraa, balse hadii sida caadada ah waxkasteey sameeyaan madaxda sare, aneey la kulmeynin wax cawaaqibxumo ah, kuwa mustaqbalkana taa dhiiragalin weyn beey uwada noqoneeysaa.

Sidoo kale qofka shaqaalaha caadiga ah ee dowlada marba hadii uu dareemayo in uu dulmanyahay, wuxuu sameeynayaa waxkastuu ku ciil bixikaro, wuxuuna ku dhaqaaqayaa waxkastoo ubuuxinkara ama udhameeystiri kara waxa ka maqan, ee kuwa kasareeyaahi laba canleeynayaan, jeebabkana kabuuxsanayaan.

Ugu dambeyn, ninka Qaadiga ah ee xaalkiisa yahay sida aan kor kusoo xusney ma aha mid loogu talagalay in uu si dhab ah caddaalada udhaqangaliyo, hadii xaalkiisu sidaa yahayna, waa wax meesha kujira in uu yiraahdo, caddaalada eey iga filanayaan bal waatee?

unnamed (1) unnamed (20) Law school

Wa billaahi Towfiiq

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s