Waa Sheekadii Darxumo Adduun iyo Dadaal Hooyo Qeybtii 51 aad.

Ayaanle habeenkaas waxa uu go’aanasaday inuu aabahiis la seexdo ninkii caawinaayey uu ku yiri wixii hada ka dambeeya aniga ayaa kaa badalayo ee gurigaaga iska seexo.

Habeenkaas Ayaanle iyo aabahiis sheeko ayay waqtiga ku qaateen oo qofba qofta kale weydiineysay waayahiisa subaxiina waxa uu u kaxeeyey Visa Tarbiyada oo uu wax badan ka soo ogaaday xaalka aabahiis oo loogu xaqiijiyey in ay adag tahay inuu dib lugahiisa ugu istaago dadkii xaafadii deganaa oo dhan aad ayaa ay maalintaas u hadal haayeen wiilka cusub ee soo baxay ee uu Cumar Cali Muran uu dhalay.

Ayaanle waqti badan ma uusan heysan waxa uu hooyadiis si dirqi ah kaga dhameeeyey in ay ogolaado inuu aabahiis soo kaxeysto maadaama uusan laheyn ehel kale mar haddii caruurtiisa ay ku saaqideen hooyo Ruun ugu dambeyn waa ay ka ogolaaday kadib markii Amran ay ka bariday in farxada Ayaanle ay ka dhiman tahay inuu aabahiis la noolaado.

Ayaanle maalintii uu helay ogolaanshaha hooyadiis ayaa uu aabahiis u sheegay in Hooyo ay cafisay sidaa dardeed uu Mareykanka u kaxeyn doono halkaas uu kula noolaan doono waana uu ku farxay Aabe Cumar waxa uuna Ayaanle soo dhameeyey dhamaan dukumiintayaashii safarkiisa isaga oo kama dambeysa aabahiis u sheegay in caawa saqda dhexe ay diyaarada ku qoran yihiin dhamaan aasxaabtiisii magaalada ee aad u saacidi jiray ayaa si wacan habeenkaas u sagootiyey Ayaanle iyo aabahiis markii ay garoonka tageen ayaa Ayaanle ku yiri.

Ayaanle:

Aabe mid ayaan ku weydiinaa hana ila yaabin

Aabe Cumar:

Maxay tahay aabe

Ayaanle:

Aabe hooyadey ma furtay mise weli waad qabtaa

Aabe Cumar oo in cabaar ah fikiray ayaa ku yiri

Aabe Cumar:

Aabe aniga hooyadaa qof dhintay ayaan u heystay marka qof dhintay sidee loo furaa waxaan hubaa in ay weli tahay xaaskayga maxaa jira oo aad I weydiisay.

Ayaanle:

Wax kale maaha ee waxaan ku weydiiyey waxaan rabaa in adiga iyo Hooyo idinka oo aan iska xijaabaneynin in aad isla nooladaan.

Aabe Cumar:

Maasha Allah aabe illaahay ha ku dhowro xaaskaaga ma reer Beled Xaawo mise halkaas ayaad ka guursaday

Ayaanle:

Haa aabe waxaa dhalay Naaleeye Guuleed

Aabe Cumar:

Maasha Allah waa nin aan si fiican u aqaan caruur miyey kuu dhashay

Ayaanle:

Aabe iminka ayaa ay uur leedahay oo maalmihii ugu dambeeeyy ee uurkeeda ayay ku jirtaa

Aabe Cumar:

Haye ma sii ogadeen uurka

Ayaanle:

Maya aabe ma doonayo in farxada iga naaqusto marka uu I dhasho ayaan rabaa in aan ku farxo bedelkii an sii ogaan lahaa.

Aabe Cumar:

Maasha Allah sidaa ayaa wanaagsan.

Markiiba waxaa lagu wageliyey in flighkooda uu diyaar yahay waxayna u ruaqaansadeen halkii diyaarada oo sidii ku galeen safarkoodii Min Jarmal ilaa Mareykanka.

Hooyo Ruun aad ayay u dharareysay in ay Cumar aragto wallow sida uu ku dayacay loo sheegay in ay islaantii Baahilo aheyd ay ka dambeysay hadana su’aalo badan ayay qabtay oo ay ku dooneysay in weydiiso.

Amran diyaarin xoog leh ayay ku jirtay iyo soo dhaweyntooda wallow culeyska uu ku sii kordhayey.

Ayaanle iyo aabahiis si nabad qab ah ayay ku soo gaareen gurigooda markii uu Cumar la soo saaray gurigana qofta ugu horeysa ee uu arkay waxa ay aheyd Hooyo Ruun oo si wanagsan u soo dhaweysay qolkii loo diyaariyey ayaana loo gudbiyey Ayaanle waxa uu hooyadiis ka codsaday in aysan aabahiis erey dhihin ilaa mudo waxaana isla habeenkii xanunkii Foosha qabtay Amran oo isbital loola cararay illaahay waa uu ufududeeyey oo waxayna dhashay gabar loogu magac daray Ruun maxaa yeelay Ayaanle hore ayaa uu ugu sheegay Amran haddii ay gabar dhasho in hooyadiis lagu samiyo sidiina ayaa isbitaalka loogu soo saaray hooyo Ruun umul bixin ayay ku jirtay.

KAyaanle oo isaga mar kasta doonayey inuu isu soo dhaweeyo aabahiis iyo hooyadiis ayaa markii dambe galab iyada oo si wadajir qoyska oo dhan saloonka wada fadhiyaan ayaa uu Ayaanle ku yiri.

Ayaanle:

Hooyo waan arkaa in mar kasta aad ka xijaabado aabahay hooyooy miyaadan ogeyn inuusan aabe ku furin.

Hooyo Ruun:

Alla maxaan kaa yaaban nahay Ayaanle hadana in aad aniga igu mashquusho ayaad keentay arrimahaan hooyo ilmo ayaad ka tahay.

Ayaanle:

Maya hooyo horta ma ogtahay inuu aabe weli uu ku qabo oo uusan ku furin

Hooyo Ruun:

Ayaanle hooyo ka bax arrimahaas mise fadhiga ayaan kaaga tagaa manta

Ayaanle oo markii hooyadiis intaa tiri oo uu dareemay in ay xanaaqday ayaa inta uu u dhaawaday isku duubay oo yiri.

Ayaanle:

Maama aniga farxadiina ayaan rabaa iyo in aad u noolaadaan lamaano isku faraxsan wax kale uma jeedo Maama.

Hooyo Ruun:

Ayaanle hooyo ma dad dhalinyaro ayaad na mooday aniga iyo aabahaa xilligii aan kala guuri laheyn ayaan ku jirnaa sida aad wax u sawiraneysay uma dhacayaan.

Ayaanle inta uu qoslay ayaa uu yiri

Ayaanle:

Haye aabe maxaad u aamusan tahay maad hadashid

Aabe Cumar:

Waa runteed hooyadaa markaan waan duqownay laakiin Ruuney waxaan kuu sheegayaa in weli in aan xarigaaga haayo oo aad xaaskayga aad tahay oo aan loo baahneyn in aad iga xijaabato.

Ayaanle:

Haa hooyo ma aha in aad ka xijaabato marka aabe iga xigso hooyo oo aabe daryeelkiisa adiga ayaa iga leh

Hooyo Ruun aamusnaan ayay gashay markaas ayaa Ayaanle la hadlay oo yiri

K

Ayaanle:

Hooyo Ruuney ma shaki ayaa kaaga jira in weli aabe uu xerigaaga haayo haddii aad shakigaas qabtana ma ogtahay in aan Nikaaxa la cusbooneysiin karno.

Hooyo Ruun

Ayaanle waad I waaleysaa Hooyo

Ayaanle:

Maya hooyo riyadeyda ayaa midaas ka dhiman ogolaaw Hooyo mise aabahay jaceylkii aad guurkiisa hore ugu ogolaaday miyuu kaa guuray.

Aabe Cumar:

Haye Xaajiya maxaad ku diideysaa manta inaga ayaa nimceysanay oo wiilkeena sidaan noo garab taagan.

Hooyo Ruun:

Wax badan waad hadasheen anigase weli war ayaa igu laaban Cumar balse inaga oo keli Ayaan hadleynaa

Aabe Cumar:

Iminkaba waan hadli karnaa Cumar Aabe wax yar aniga iyo hooyadaa isu kaaya daa

Hooyo Ruun:

Maya iminka maaha balse hadal badan Ayaan kuu qabaa waxaana rajaynayaa in aad ii jawaabi doontid su’aalaha badan ee aan kuu qabo.

Aabe Cumar:

Xilli kasta diyaar Ayaan kuu ahay Xaajiya waana ku faraxsanaa lahaa in aad mar uun afkaaga kaga dhawaaqdo in aad I cafiso.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s