Duurjoogtii ka qaxday dagaaladii sokeeye Soomaaliya oo bilowday inay dib ugu soo laabtaan

Xayawaanada duurjoogta oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya una qaxay dalka Kenya ayaa bilaabay toddobaadkan inay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya oo haatan dagaaladii ka qaboobeen.

Duurjoog noocyo kala gedisan leh oo ay ka mid yihiin libaaxyo,maroodiyo iyo xayawaano kale ayaa haatan lagu arkay deegaano kamid ah gobolada Jubooyinka kadib markii deegaanadii ay u carareen ee dalka Kenya ay ugaga soo carareen cabsi ka soo wajahday ciidamada Kenya oo howlgalo ka wado keynta deegaanada ku yaal gobolka Waqoyi Bari Kenya.

Degmada Badhaadhe ayaa kamid ah deegaanada lagu arkay duurjoog kala gedisan oo sanadihii la soo dhaafay laga waayay halkaas. Sida ay sheegayaan dadka ku nool degmada Badhaadhe duurjoogtan ayaa la arkayaa iyagoo raxan raxan u socda islamarkaana iska daaqaya keymaha ku yaal degmada Badhaadhe.

Dib ugu soo laabashada duurjoogtan oo lala xiriirinaya howlgalada ay ciidamada amniga dalka Kenya ugaga baadi goobayaan ururka Alshabaab keymaha Boni ayaa dadka ku nool gobolada Jubooyinka ay aad u soo dhoweeyeen.

Dalka Soomaaliya oo sanadihii la soo dhaafay isbedel uu ku yimid dhinaca ammaanka ayaa sidoo kale waxaa hore u bilaabay in dalkooda ay ku soo laabtaan boqolaal Soomaali ah oo u carartay wadamada aynu jaarka nahay iyo dalalka reer galbeedka ah.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s