Hogaamiyihii afgambiga Burkino Faso General Diendere oo xabsiga loo taxaabay

general-280x175

Hogaamiyihii afgambi muddo gaaban qalqal geliyay dalka Burkino Faso Gen Gilbert Diendere ayaa ciidamada amniga xabsiga u taxaabeen sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan dowlada Burkino Faso,

Wararka qaar ayaa sheegayay in Generalkan uu hore isugu dhiibay safaarad aan la magacaabin caasimada Ouagadougou, hase ahaatee warka xariga Generalkan ayaa waxaa soo dhoweeyay inta badan shacabka dalka Burkino Faso.

Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalka Burkino Faso Michel Kafando ayaa dib loogu celiyay talada dalkiisa kadib markii ay farogelin ku sameeyeen ciidamada iyo hogaamiyaasha galbeedka Afrika.

Ilaalada madaxtooyada oo ka dambeeyay afgambigan ayaa la sheegay in la kala dirayo hase yeeshee taas ayaa waxa diidanaa Generalkan haatan xabsiga loo taxaabay.

Hantida uu leeyahay Generalka iyo 13 kale oo kamid ahaa ciidamadii ku lug lahaa afgambiga ayaa la fariisiyay toddobaadkii hore.

Gen Diendere ayaa ka qeybgalay labo afgambi oo hore ugaga dhacay dalka Burkino Faso 1987dii kaasoo uu xukunka kula wareegay Blaise Compaore kadib markii la diley Capt Thomas Sankara.

Afgambigii dhowaan ka dhacay dalka Burkino Faso ayaa waxaa ku dhintey toban ruux halka boqol kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada afgambiga dhigay ay rasaas ku fureen dad banaanbaxyay oo ka soo horjeeday afgambiga.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s