Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ka qeyb galaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa uu xafiiskiisa New York ku booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mr Ban Ki-moon.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha Guud ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyo badan.

Sidoo kale waxaa uu uga warbixiyay horumarka dowladda ka sameystay dhismaha Maamulada KMG ah, howsha socota ee dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kaloo sheegay in shirkii wada tashiga ee lagu dhisay madasha wada tashiga ee dhacay 19-21 September uu guul ku soo dhamaaday.

Mr Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladda ay ixtiraameyso dastuurka, iyo waajibaadka saaran laa,aha dowladda sida sharci dejinta iyo fulinta, waxaana uu xusay in si wada jir ah ay hey’adahaas isugu raaceen in aanay doorasho hal qof iyo hal cod dhici karin.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wada tashi la sameyn doonto qeybaha bulshada iyo dhinacyada kala duwan, si go’aano looga gaaro qorshaha sanadka 2016 ee dalka ay doorasho uga dhici laheyd.

Labada Mas’uul ayaa isku raacay baahida loo qabo taageerada Qaramada Midoobey ay siineyso Ciidamada AMISOm iyo ciidamada xooga dalka oo sameynaya horumaro la taaban karo.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey, isagoo uga hadlay xaalada Soomaaliya, horumarada dowladda gaartay, la dagaalanka Al-Shabaab, isagoo ku baaqay in la maalgashado Soomaaliya oo ka soo kabaneysa colaadihii mudada ku soo jirtay.omarbankimo-170x114

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s