Mareykanka oo cambaareeyay booqashadii Bashar Al-Assad ee Moscow

Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay booqashdii Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad uu ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

War ka soo baxay Aqalka cad ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhaleeceeyay tallaabadii Ruushku uu roogga cas ee soo dhoweynta ugu fidiyay Madaxweynaha Suuriya.

Afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo Eric Schulz ayaa sheegay in casuumaada Mr Asad ay carqaladeyneyso xal siyaasadeed oo laga gaaro mashaakilka Suuriya.

Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay taageerada Milateri ee Ruushka siinayo Maamulka Assad, waxaana taasi keentay in Ciidamada Suuriya ay bilaabaan weeraro saf ballaaran.

Madaxweynaha Suuriya ayaa booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow, waxaana ay aheyd safarkii u horeeyay ee uu dibada uga ambabaxo Suuriya, tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada sokeeye sanadkii 2011.

Labada Madaxweyne Mr Putin iyo Mr Assad ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Ruushka ayaa wali wada duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah Kooxda Daacish iyo kooxaha kale ee ku kacsan dowladda Bashar Al-Assad.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s