Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan warbaahinta + Sawirro

 

3

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa kala saxiixday heshiis ballaaran oo ku saabsan warbaahinta, kaasi oo dhaqan gelaya sanadka cusub 2016-ka, iyadoo munaasabadda heshiiskaasina ay ka qeyb galeen madaxda labada dowladood.

Heshiiskaan ayaa dhigaya in dowladda Suudaan ay taageero dhinacyo kala duwan u fidiso warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii uu ansixiyay Baarlamaanka dalka Suudaan sanadkii 2010-ka.

Xubnaha ka qeyb galay munaasabadda ee ka socday Dowladda Soomaaliya waxaa ka mid ah Agaasimaha guud C/risaaq Cali Yuusuf (Bahlaawi), iyadoo dhanka Dowladda Suudaan uu u saxiixay Agaasime Cabdulmajiid Haaruun Cabdulmajiid, waxaana goob ka ahaa madax iyo saraakiil ka kala tirsan labada dal.

Dhinaca kale madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka hadlay heshiiskaasi, iyagoona sheegay in labada dal ee walaalaha ah ay iska kaashanayaan dhinacyada horumarinta warbaahinta.

Dowladda Suudaan ayaa ka mid ah dowladaha Afrika ee iyagu taageera dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska, caafimaadka iyo taageerada kala duwan ee ku saabsan arrimaha gargaarka iyo horumarinta waxbarashada.

1

2

3

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s