Shil ka dhacay dalka Faransiiska oo ay ku dhinteen 42 ruux oo howlgab ahaa

shil2

Ugu yaraan 42 qof, oo u badan dad howlgab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen shil baabuur oo ka dhacay meel u dhow magaalada Bordeaux, taasi oo lagu qeexay shilkii waddo ee ugu xumaa ee dalka France ka dhaca muddo ka badan 30 sano.

Saraakiisha ayaa sheegay in gaari xamuul uu ku dhacay bas ay rakaab ka buuxaan meel u dhow waddada Puisseguin, taasi oo sababtay in labada baabuurba ay holcaan.

Sideed qof oo kaliya ayaa lagu warramay inay ka baxsadeen holaca, ayada oo tobaneeyo saraakiisha xaaladaha deg degga ah ay goobta gaareen.

Madaxweyne Francois Hollande oo ka hadlay shilka xilli uu safar ku joogo dalka Greece ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay la tacaasho musiibadan aadka u xun.

Shilkan ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca France tan iyo sanaddii 1982-kii markaasi oo shil bas oo ka dhacay bariga dalka France ay ku geeriyoodeen 53 qof oo 44 ka mid ah ay ahaayeen carruu

 

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s