Wiil Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday iskuul ku yaal dalka Sweden

Nin ku hubeysan seef ayaa weeraray iskuul ku yaalla magaalada Trollhattan oo u dhow magaalada Goteborg ee dalka Sweden.

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday macallin iyo arday dhowr ardayna dhaawac ayaa kasoo gaaray iyadoo iskuulkana ay ka kala carareen ardaydii iyo macalimiinta.

Ninka weerarka soo qaaday oo da’da labaatameyda lagu qiyaasay ayaa waxaa toogtay booliska, waxaana gaaray dhaawac halis ah isagoo markii dambe dhaawacaas ugu geeriyooday isbitaalka.

Iskuulka la weeraray ayaa ahaa mid ay wax ku bartaan arday u badan ajaaniib, waxana dadka wax ku noqday weerarkan ay dhamaantood ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada carabta.

Ardayda dhaawaca uu soo gaaray ayaa waxaa ku jira wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa ardayda iskuulkaasi wax ku baranayay. Waxaana dugsigaas wax ka barta arday faro badan oo dadka Soomaalida ka soo jeeda ee ku nool dalka Sweden.

Ninka weerarka qaaday oo aan la shaacin magaciisa ayaa la sheegay in ninkan uu ahaa nin aan hore loo aqoon balse aad u taageersanaa Naziga Jarmalka.

Booliska Swden ayaa baaritaan ku sameeyay guriga ninkan uu degenaa, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayeen in ninka dilka ka dambeeyay uu ahaa nin sarqaansan.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s