Al-Shabaab oo saaka la wareegay deegaanka Fiidow ee gobolka Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee saldhig ku lahaa deegaanka Fiidow ay xalay isaga baxeen, iyadoo saaka halkaas ay  la wareegeen ururka Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ee hore u degenaa deegaanka Fiidow ayaa dib ugaga soo baxay deegaankaas iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ay ciidamada AMISOM ugaga soo baxeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan ururka Alshabaab ay bilaabeen in ay baaraan guryaha ku yaal deegaana Fiidow, waxayna dadka qaarkii bilaabeen inay ka soo tagaan deegaankaa iyagoo ka cabsi qaba in ururka Alshabaab uu waxyeelo u geysto.

Ciidamada AMISOM ayaa  la sheegay in ay soo degeen deegaanka Buurane iyagoo saldhig ka sameystay, waxayna wararka qaarkood ay sheegayaan in sababta ay dib ugaga soo baxaan deegaanka Fiidow inay tahay fatahaado ka dhacay deegaankas kaasoo saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka mara wadada laamiga ah.

Gawaari faro badan ayaa ku xayiran wadada isku xirta degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe iyo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan maadaama ay fatahaadu saameeysay.

Deegaanka Fiidow ayaa u jira magaalada Jowhar qiyaastii 50km, waxaa uu u dhow yahay xadka Hiiraan uu la wadaago Shabeellaha Dhexe.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo maamulka degmada Mahaday ee ku saabsan ka soo bixitaanka ciidamada AMISOM ee deegaanka Fiidow.

 

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s