AKHRISO Qodobadii Lagu heshiiyay shirka wadatashiga oo dhameystiran

AKHRISO QODOBADII Lagu heshiiyay shirka wadatashiga oo dhameystiran

Kadib markii muddo 5 maalmood ah la isku mari laa qaabka doorasho ee Xildhibaanada 2016 ku imaanayaan, ayaa madaxda Soomaalidu isku waafaqeen 7 oqod oo ay ka mid tahay nidaamka lagu soo xulayo xildhibaanada.

Waxaa ilaa  subaxnimadii hore ee Arbacada furnaa hoolka loogu talo galay in lagu soo gebagebeeyo shirka Madasha Wadatashiga ee Geeddi socodka Doorashada 2016. Meel ku dhaw hoolka shirka waxaa shir gaar ah ku lahaa Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada xubnaha ka ahaa

Shirka gaarka ah waxaa maanta ka qaybqaatey:

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh
  2. Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Cumar Cabdirashiir
  3. Afhayeenka Baarlamaanka Federaaliga ah Prof. Jawaari
  4. Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas
  5. Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen
  6. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh
  7. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta shirku u socdey ayaa hoolka shirka soo gaarey 17:30 gelinka danbe ee Arbacada markaas oo loo dareeray salaadii Makhrib, waxaan markii la isku soo noqdey la soo gudbiyey war murtiyeed xanbaarsan 7 qodob oo la isku waafqey kuwaas oo ay ka mid yihiin in la qaadey, labada nidmaam ee 4.5 iyo degmooyinka waxay noqonayaan kuwo isu dheelitiran, waxaana la sheegay in ay Xildhibaanada dooranayaan ergooyin halka ay markii hore odoyaashu soo xuli jireen.

Qodobada kale ee la isku waafqey ayaa ah:

  • Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Federaalka ah.
  • Dhismaha Aqalka sare iyo kan hoose waa in qayb ka ahaadaan hanaanka doorashada 2016
  • Doorashada laba aqal waa in ay ku salaysnaadaan isu dheelitir, qabiil iyo deegaan ah.
  • In ergooyin doorasho ka qaybqaataan doorashada Xildhiaabanada Baarlamaanka taasoo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada ergooyinku waa in ay kala metalaan qaybaha bulshada, sida haweenka, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.
  • In la isku raaco qorshe siyaasadeed qeexaya meel-marinta hanaanka doorasho 2016, iyo mid kale oo caddaynaya sidii dalka doorasho hal qof hal cod ah loga hirgelin lahaa sanadka 2020, qorshayaashan waa in ay qayb ka nqodaan heshiisyada ugu danbeeya ee doorashad 2016.
  • Kadib wadatshi ay hoggaamiyaashu ugu noqdaan deegaanadooda waa in faahfaahin kama danbeysta ah hannaanka doorasho ee sanadka 2016 iyo qorshe fulineed la isku raaca kulanka lagu qaban doono Kismaayo 10ka Janaayo 2016.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Madashu u mahadcelineyso guddi hawleedka iyo guddiga taageerada farsamo, si gaar ahna waxay Madashu mahad u dirtey beesha caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo madashooo laga akhriyey war murtiyeedka ayaa sheegay qofna yaanu filan, wixii uu rabey oo dhan in uu meesha ka helaayo, qofna yaanu filan wixii uu rabey oo dhan in uu meesha ka waayayo, waxaana uu ka digey in hadhoow la isku waafaqo fasiraada waxa la isku waafaqo. Waxaana uu dardar geliyey in wadatashi wanaagsan dib loola noqdo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda kale ee kulanka ka hadasheyw axaa ka mid ahaa raysalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Prof. Jawaari iyo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nick Kay.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA

snf1snf2

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s