Banaanbax looga soo horjeedo 4.5 oo maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo+DAAWO SAWIRO.

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug maanta waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo Doorashada Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka in lagu saleeyo Nidaamka 4.5.

Dadka Banaanbaxa isugu yimid ayaa waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku diidan yihiin Nidaamka 4.5, waxaana Bulshada Banaanbaxa dhigeysay ay taagersanaayeen Nidaamka Degmooyinka in Doorashada lagu saleeyo.

Banaanbaxaasi waxaa soo abaabulay Qeybaha Kala duwan ee Bulshadda, inkastoo aysan meesha ka muuqan masuuliyiinta Maamulka Gobolka mudug, hadana Bulshada ay isku soo abaabuleen ayaa Fagaaraha laga arkaayay.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Somaliya ayaa maanta lagu shaacin doono Nooca Doorasho ee Somaliya ka dhaceysa Sanadka 2016-ka.

Maamulka Puntland Iyo Jubbaland ayaa doonaya Doorashada Somaliya ka dhaceysa sanadka 2016-ka in lagu saleeyo Hanaanka Degmooyinka halka Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doonayaan nidaamka 4.5.

Lama oga nooca ay noqon doonto Doorashada Somaliya ka dhaceysa, waxaana la wada sugayaa waxa ay isla gartaan Madaxda shirka uga socda Magaalada Muqdisho.

 

DAAWO SAWIRADDA :

Gaalkacyo-1-1Gaalkacyo-2-1Gaalkacyo-3-1Gaalkacyo-4-1Gaalkacyo-5-1Gaalkacyo-6-1

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s