Ciidamada dowladda oo saaka kala dhex galay Maleeshiyadii ku dagaalamay Beledweyn

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka ku baxay xaafada Howl-wadaag, halkaasoo maalmihii u dambeeyay dagaalo ku dhex marayeen labo maleeshiyo beeleed, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda la kala qaado.

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayaa wada dadaalo nabadeed oo lagu soo afjarayo colaada Beledweyn, isla markaana maleeshiyooyinka loo kala qaadi lahaa.

Odayaasha, waxgaradka iyo nabadoonada ayaa ku dhawaaqay habeen hore heshiis xabad joojin ah, iyadoo wafdigii shalay gaaray Beledweyn ay adkeeyeen heshiiskaas, lana dhaqan geliyo.

Saakay ayaa waxaa xaafada Howl-wadaga laga maqlayay rasaas goos goos ahaa, inkastoo si dhaqse ah ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM u fara geliyeen labada ciidan ee isku hor fadhiyay xaafadaas.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wafdiga Wasiirada oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wadaa inay aadaan galbeedka Beledweyn, si ay u kala qaadaan labada ciidan, isla markaana colaada u soo afjaraan.

Dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Beledweyn ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux, halka tiro afartameeyo ku dhow ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaaladan salka ku hayeen dilal iyo aanooyin u dhaxeeyay labo beelood oo wada dega galbeedka Beledweyn.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s