Deg Deg:- Shirkii Madasha Wada-tashiga oo la soo xiray War-murtiyeedna laga soo saaray

Waxaa Goor Dhaw Magaalada Muqdisho lagu soo gaba qabeeyay Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Madaxda Soomaalida uga soconayay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho,kaas oo looga hadlayay Geedi Socodka 2016.

Shirka oo Saacado badan qaatay dibna uga dhacay Mudadii la doonayay in la soo xiro ayaa ugu danbeyn Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyadu ay ka soo Saareen War-murtiyeed ka Kooban 7 Qodob.

Qodobadda ugu Muhiimsan ayaa waxaa ka mid ah.

In la sameeyo  Aqalka sarre iyo Aqalka Hoose  oo ka qeyb noqonaya Hanaanka Doorasho ee Sanadka 2016.

In Shir lagu Shaacinayo Hanaanka kama danbeysta ah Ee Doorashada 2016 10-ka Bishaan lagu qabto Magaalada Kismaayo.

In aysan jiri doonin Mudo Korarsi markii uu dhamaado Waqtiga Hay’addaha Dowladda ee hadda jira.

In Doorashada Labada Aqal  lagu saleeyo isku dheeli tirnaanda Qabiil iyo Degaan.

Shirkaan ayaa Maalmahaan Magaalada Muqdisho uga socday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada,iyadoo ay qeyb ka ahaayeen Wakiiladda Beesha Caalamka Ee Soomaaliya.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s