Maleeshiyaadkii ku Dagaalamay Galbeedka Baledweyne oo la kala qaaday

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii ku Dagaalamayay Galbeedka Magaalada lagu Guuleeystay Maanta in la kala qaado.

Maleeshiyaadkan in la kala qaado ayaa waxaa ku Guuleeystay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo uu Hormuud u yahay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Wafdi Dowladda Federaalka ka socda oo uu Hor kacayo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale in la kala qaado Maleeshiyaadka ku Dagaalamayay Xaafadda Howlwadaag  ayaa waxaa qeyb ka qaaday Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Dagaalamay ayaa la kala geeyay Baro Cayiman  oo Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiisha AMISOM ay geeyeen.

Dhanka kale Ciidamo iskugu jira kuwa AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya ayaa la geeyay Goobihii ay ku Dagaalameenn Maleeshiyaadka ee Xaafadda Howlwadaag,kuwaas oo Fariisimo ka sameystay.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s