Waxaa goor dhaw ka furmay Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho Shirkii Go’aanka looga gaarayey Nidaamka lagu saleyn doono Doorashada Soomaaliya Ee Sanadka Soo Socda 2016-ka.
Waxaa tagey Xaruntaasi mar dhaweyd Madaxda Dalka Sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,R/wasaare Sharma’arke,Gudoomiye Jawaari,Madaxweynaha Galmudug C/kiriin Guuleed,Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Hogaamiyaha K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shirka ayaa go’aanka looga soo gaari doonaa Habka ay noqon doonto Nidaamka lagu soo dooran doono Xildhibaanada Baarlamaanka Soo Socda.
Warar kale ayaa sheegaya in ay ubadnaan doonto nidaamka 4.5 la isku raaci doono,iyadoona la filayo War murtiyeed in shirkaasi geba gabadiisa laga soo saari doono.