Xus loo sameeyay weerarkii Peshawar

Qeybo badan oo ka tirsan dalka Pakistan ayaa waxaa xus loogu sameynayaa sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay weerarkii lagu qaaday iskuulka ku yaalla xerada ciidammada ee magaalada Peshawar.

Weerarka oo ka mid ahaa kuwii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Pakistan, ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 150 qof, oo u badan arday iyo macallimiin.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Nawaz Sharif, ayaa ka qeyb galaya xus lagu sameynayo iskuulka uu weerarka ka dhacay, halkaasi oo dadka ku sugan ay qaadayaan heesta calanka.

Waxaa maanta xiran iskuuladda iyo jaamacadaha ku yaalla Pakistan.

Taliyaha ciidammada Pakistan, Jeneraal Raheel Sharif, ayaa sheegay in maamuuska ugu wanaagsan ee loo sameyn karo dadkii weerarkaasi ku dhintay uu yahay in la xoojiyo guulaha laga gaaray ururada mintidka ah.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s