Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Boostada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa si rasmi ah waxaa uu xil ka qaadis ugu sameeyay Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Mr Guuleed Xuseen Qaasim.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilka Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta loogu magacaabay Maxamed Jaamac Mursal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana uu ku war geliyay xil ka qaadista Guuleed iyo magacaabista Jaamac oo labadaba ah isku heyb.

Xil ka qaadista Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa aheyd mid labadii todobaad ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaase shaacinteeda lala sugayay imaanshaha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha midkood, maadaama ay safaro dibada ugu maqnaayeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay markii hore isku fahmeen xil ka qaadista Wasiirkii Boostada, waxaana Wasiirka cusub Maxamed Jaamac Mursal la sheegay inuu aad ugu yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Guuleed Xuseen Qaasim ayaa 14 bilood kadib laga qaaday xilkii Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta

Guuleed Xuseen Qaasim ayaa 14 bilood kadib laga qaaday xilkii Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta

Waa Wasiirkii 3aad ee uu Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid xilka ka qaado, waxaa dhowr bilood ka hor Ra’iisul Wasaaruhu xilalka ka qaadya Wasiiradii Ganacsiga iyo Tamarka.

Advertisements

One thought on “Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Boostada

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s