Cumar Dhagey. “Guddiga doorashada waa guddi madax banaan oo dhex dhexaad ah”

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Avv. Cumar Dhagey oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha hor-yaala guddigooda, isagoo aan sheegin waqti rasmi ah oo ku saabsan xilliga ay dhaceyso doorashada, xilli ay jirto dib u dhacyo badan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in waqtiga rasmiga ah ee doorashada dhaceyso lagu go’aamin doono shirka ay yeelan doonaan Madasha Wada-tashiga Qaran.

Waxaa uu sheegay in doorashada ay u qaban doonaan si hufan, xalaal iyo dhex dhexaadnimo ah, isagoo xusay in shirka Madasha ay ku hor-geyn doonaan qorshayaashooda ugu dambeeya doorashada iyo miisaaniyada.

Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in Guddigooda uu yahay mdi madax banaan, isla markaana  wixii hada ka dambeeya shaqadooda lagu qiimeynayo isla xisaabtan, hufnaan, ficil, fulin iyo dhex dhexaadnimo.

“Guddigeena waa uu madax banaan yahay, dhamana waxaa u sheegeynaa Musharaxiinta inaan ixtiraameyno”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey oo intaa ku daray in waqtiga rasmiga ah ee doorashooyinka uu ka soo bixi doono shirka Madasha Wada-tashiga qaran dhici doona 2-4 bisha Agosto.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddiga oo ka kooban 22 xubnood loo qeybiyay guddiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Guddiga warbaahinta iyo wacyelinta, Guddiga xalinta khilaafaadka, Guddiga amniga iyo Guddiyo kale oo dhammaan ka wada shaqeynaya hirgelinta doorashooyinka dalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Guddigooda ay ku shaqeyn doonaan heshiisyadii madashada wadatashiga qaran ay wada saxiixeen Mas’uuliyiinta dalka.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay la shaqeyn doonaan Guddiyada doorashooyinka maamul goboleedyada, isagoo meesha ka saaray in guddiga aanu shaqadiisa aheyn qofka xildhibaanka noqonaya iyo kan aanan noqoneyn, isla markaana howshooda tahay fududeeye.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s