Galmudug oo walaac ka muujisay dagaalo beeleed ka socda Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujisay dagaalo beeleedyo dad badan ku dhinteen oo ka socda deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaasoo ay ku dhinteen 20-ruux.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalka, isagoo ku baaqay in dagaalka la joojiyo

“Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalada soo noq noqonaya ee ka dhacaya deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhex maraya labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada daga”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in dagaaladan ay saameeyeen dadka ku nool deegaanka Xiim-Cadde, isla markaana ay ka cabsi qabaan inay soo food-saarto xaalado bani’aadanimo oo isugu jira cunno iyo biyo la’aan.

“Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo xabadda, maadaama aanay dadku u baahneyn dhiig macno darro ku daata, dadka ku dhimanaya dagaalkana ay yihiin dad walaalo ah”ayuu yiri.

“Sidoo kale, Dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa kooxaha nabad-diidka Al-shabaab iyokooxaha qas-wadayaasha ah in ay ka daayaan degaanka hurinta colaadaha ay ka wadaan”

Ugu dambeyntii, Galmudug waxa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka in ay u istaagaan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalkaasi isla markaana arrinta la isku hayo lagu dhameeyo wada hadal.

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s