Kulan loogaga hadlayo iskaashatooyinka oo ka furmay Jowhar (Sawiro)

Kulan ay ka soo qeybgaleen maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ururada ku mideysan Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay xarunta ururka iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe ee magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen lixda urur iskaashato ee ka jirta gobolka Shabellaha Dhexe iyadoo lagu soo bandhigay waxqabadka ururka iyo weliba qorshaha ururka ee soo socda.

Xoghayaha guud ee ururka iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe C/qani Sheekh Maxamed ayaa soo jeediyay ajandaha shirka isagoo sheegay in kulanka loogaga hadlayo;Raadinta midninada UDHIS,sameynta qorshe howleedka UDHIS,Baahinta howlaha iskaashatoyinka gobolka Sh.dhexe,tilmaamaha wadada saxda ah ee isaashatooyinka,nidaaminta lixda urur ee iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe, meel marinta shuruucda iskaashatooyinka iyo dhamaystirka ururada kamaqan hogaanka iskaashatooyinka gobolka Sh/dhexe.

Shiiq Jeylaani oo ka socday iskaashatada Barwaaqo ayaa xusay in ay muhiim tahay midnimada UDHIS in hal meel looga soo wada jeesto qorshe howleedka udhisna ay tahay waajib wada saaran dhamaantood.

Ku xigeenka wakiilka ururka iskaashatooyinka UDHIS ee gobolka Shabeellaha Dhexe C/laahi Macalin Xuseen Biis oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in hadda meel wanaagsan ay marayso qorshaha ururka isla markaana ay hayaan qorshayaal wax soo saar.

“Waxa uu ururka iskaashatooyinka qeyb ka qaatay horumarinta dhinaca beeraha ha noqoto bariiska,khudaarta iyo geed miroodka,sidoo kale ururka waxa uu gacan weyn ka geystey sidii loogaga hortagi lahaa fatahaada wabiga Shabelle”ayuu yiri Cabdullaahi Biis.

Wakiilka Ururka Iskaashatooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe Cismaan Nuur Ibraahin ayaa sheegay in ururka mudadii koobneyd ee uu howlgalayay uu ku talaabsaday hormar dhinacyo badan leh.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Abuukar Xasan Cali Maqaney oo gabagabadii kulankan ka hadlay ayaa u mahadceliyey mas’uuliyiinta iskaashatooyinka waxana uu sheegay in iskaashigu uu wanaagsan yahay ayna diinta Islaamka uu qabo in bulshada ay iskaashato.

Ururka iskaashatooyinka ayaa soo bandhigey dhul beereed ay doonayaan in ay ku abuuraan qudaar noocyo kala gedisan leh iyagoo sheegay in qudaartan ay doonayaan in ay u iibgeeyaan deegaano ka fogfog gobolka Sh/dhexe.

iskashato (1)

iskashato (2)

iskashato (3)

iskashato (4)

iskashato (5)

iskashato (6)

iskashato (7)

iskashato (8)

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s