Sawirro: Abaaraha oo sababay barkaca qoysas badan

Milgo stands with her four children in front of a sheep that has died due to the droughtLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Sawir qaade Mustafa Saciid ayaa muddo 8 maalmood ah ku qaatay Somaliland isagoo sii raacay shaqaalaha hay’adda save the Children. Wuxuu la kulmay xooladhaqato xoolohoodii ay laysay abaarta.

kumanaan caruur ah ayaa waxaa ku dhacday nafaqo darro. Qoysas badan ayaa nonol maalmeedkoodii ciriiri galay ka dib markii ay waayeen xoolahoodii.

lix iyo toban milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, iyo South Sudan ayaa u baahan cunto, biyo iyo dawo sida uu sheegay guddiga masiibooyinka iyo xaaladaha deg degga ee fadhigiisu yahay UK.

Haali Noor left the drought-effected area in the east of Somaliland with her five children and a small number of remaining livestock and settled in the western area of near Dilla,Lahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Shukri

Shukri with two of her three childrenLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Ka dib markii inta badan xoolaheedii ay dhammaadeen, Shurki waxay la soo carartay laba ka mid ah seddax carruur ah oo ay dhashay oo waxay soo dagtay afaafka hore ee garoonka Burco iyadoo rajo ka qabto in dhowr neef ooo ido ah oo u soo haray ay halkaa ka heli doonaan daaq. Balse idihii way dhinteen oo hadda wax u soo haray ma lahan.

Fardooso

Mother of six Fardus came with her children to the live in an informal settlement in the city of Ainabo, after they lost all of their livestockLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

In badan oo ka mid ah dadka ay xoolahoodii ka dhamaadeen waxa ay nolol u raadsanayaan magaallooyinka sida Ceynabo iyagoo rajo ka qabo inay gargaar cunto ka heli doonaan dadka deegaanka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Fardoos waxay tiri : ” Markii ay xoolaha naga dhamaadeen, waxaan waynay cunto, biyo iyo hoy. Halkan waxaan u imid inana caruurteyda u raadiyo wax ay cunaan.”

Saado

Saado travelled from the drought-stricken eastern region of Somaliland after one hundred of her livestock died, and settled with her four children in the west of the country near the town of Dilla.Lahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Saado waxay ka soo qaxday gobolka beri ee Somaliland ka dib markii xoolaheeda oo tiro gaarayay ay ka dhamaadeen. Afar ka mid ah caruurteeda ayay la dagtay Dilla oo ku taalla galbeedka Somaliland halkaasoo haddana xoolihii u soo haray qeyb ka mid ah ay ku la’deen. 50 neef oo ido iyo riyo isugu jira ayaa u soo hartay. Aad ayaay u jilicsan yihiin oo suuq lama gayn karo, caanana inay soo saaraan warkooda daa.

Mid ka mid ah carruurta Saado ayaa lagu arkay nafaqo darro.

“Baahideena ugu wayn waa cuno, ayay tiri Saado.”

Khadra Maxamed

Khadra Mohamed with her twin sons at an informal settlement outside the town of YogooriLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

“Xooladhaqato ayaan ahayn markii ay abaartu dhacday. Dhammaan xoolihii aan lahayn ayaan weynay. Halkan ayaan dabadeedna u soo cararnay,” ayay tiri Khadra.

“Guri halkan kuma lihin. Cooshada ayaan ku noolnahay. Dad ayaa na amaahiyay cunto. Hay’ado caalami ah ayaa sidoo kale halkan nagu caawiyo.”

Deeqa

Mother Deeqa and her children find shade from the midday sun under a tree near their home in a rural area outside of Kiridh, Somaliland.Lahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Deeqa qoyskeeda waxaa hortooda ku dhintay 100 neef oo lo’ ah, dhowr neef oo riyo ah ayaa u soo hartay’ iyagana aad ayay daciif u yihiin oo wax qiimo ah oo ay u leeyihiin ma lahan.

Indhodeeq

Indhodeeq sits with one of her granddaughters on her lap. Her husband Noor, is blind and her daughter, Hodan, fell ill after recently giving birth.Lahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

ka dib markii ay xoolahooda ka dhammaadeen, qoyska Indhodeeq waxay hoy u raadsadeen magaalada Kiridh. Dadka magaalada ayaa ugu deeqay hoygan ku meel gaarka ah.

Indhodeeq xoogaa lacag ah ayaa waxaa siisay hay’adda Save the Children. lacgtaas ayay qoyskani ku gateen xoogaa cunno, caano iyo dawo ah.

Waxaa sawirkan Indhodeeq ku wehliyo mid ka mid ah gabdhaha ay ayayda u tahay oo dhabteeda saaran, ninkeeda, Nuur oo indhoole ah iyo gabadheeda Hodan oo dhawaan xanuusatay ka dib markii ay umushay.

Hodan

Hodan, a mother of five, holds her two year old son Harun in the town of Kiridh, Somaliland.Lahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Hodan, oo ah hooyo shan caruur ah dhashay waxaa dhabta u saaran wiilkeeda Haaruun oo 2 sano jir ah. Waxay ku suganyihiin magaalada Kiridh Haaruun oo indhoole ah waxaa ku dhacday nafaqo darro. Waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay Haaruun dawo ugu heli lahayd, caruurteeda kalena u quudin lahayd.

Ubax

Fadumo, a mother of three children, with her one year old son KulmiyeLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

Ubax waxay ka mid ahayd dad loo qeybiyay xoogaa cunno ah balse ma heysato hoy iyo biyo ay cabto.

Waxay tiri: ” Way dhammaadeen inta badan arigii iyo geelii aan lahayn. Ninkeyga ayaa geelii soo haray u qaaday suuqa xoolaha. Waxaan halkan nimid inagoo rajo ka qabno in hay’adaha gargaarka ay na diwaangelin doonaan si ay gargaar inoo siiyaan.”

Fadumo

Fadumo with her one year old son KulmiyeLahaanshaha sawirkaMUSTAFA SAEED

ka dib markii uu ninkeeda furay, Faaduma waxay u safartay tuulo ku taalla duleedka Yogoori. Waxay wadataa seddax caruur ah oo ay dhashay. Wiilkeeda, Kulmiye oo hal sano jir ah waxaa lagu arkay nafaqo darro. Faaduma waxay ka mid tahay dad ay hay’adda Save the Children u diwaangelisay inay siiso lacago caddaan ah si ay nolosheeda ugu maareyso.

Xigasho BBCsomali.com

Advertisements

Ku War Celi Halkaan Fadlan Fikirkaagu Waa Muhiim

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s