Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramey hawlaha doorashada iyo arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ugu qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt. Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga…

Rate this:

Ciidanka Dannab ee Gaalkayo tagay oo la sheegay in Amniga Magaaladaas ay sugayaan”Sawiro”

Ciidamo ka socda Milateriga Soomaaliya ee DANAB ayaa ku sugan Gobalka Mudug,waxaana la sheegay iney u yimaadeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga Koonfurta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Maxamuud Yaasiin Tumay oo ka hadlay Shir looga hadlayay amniga ayaa Sheegay in Ciidamada DANAB ay si wada jir ah uga shaqayn doonaan Koonfurta…

Rate this:

Ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyiin kale oo Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed, oo xaalad caafimaad ugu maqnaa dhawaanahaanba dalka India. Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey ra’iisul wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad…

Rate this:

Madaxweynaha oo dhiira geliyay Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galay Tartanka Olimbikada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil. Madaxweynaha  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey, isla markaana guddoonsiiyey Calankeenna Soomaaliya ciyaariyahanada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo…

Rate this:

Cumar Dhagey. “Guddiga doorashada waa guddi madax banaan oo dhex dhexaad ah”

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal Avv. Cumar Dhagey oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qorshayaasha hor-yaala guddigooda, isagoo aan sheegin waqti rasmi ah oo ku saabsan xilliga ay dhaceyso doorashada, xilli ay jirto dib u dhacyo badan. Guddoomiyaha Guddiga doorashada ayaa sheegay in waqtiga rasmiga…

Rate this:

Galmudug oo walaac ka muujisay dagaalo beeleed ka socda Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa walaac ka muujisay dagaalo beeleedyo dad badan ku dhinteen oo ka socda deegaanka Xiim-Cadde oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaasoo ay ku dhinteen 20-ruux. Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalka, isagoo ku baaqay in dagaalka la joojiyo “Galmudug ay ka walaacsan tahay dagaalada…

Rate this:

Wafdi ka Socda Midowga Afrika oo Qiimeynaya Doorashada oo Muqdisho soo Gaaray

Wafdi ka Socda Midowga Afrika ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, kuwaasoo qiimeyn ku sameyn doona doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo Dhammaadka sannadkan 2016-ka. Xubnaha wafdigan oo ka kooban afar, ayaa waxay u kuur-geli doonaan sida loogu diyaar-garoobayo Doorashada dhacaysa bilaha August iyo September ee Sannadkaan iyo waxyaabaha u baahan in laga caawiyo Dowladda…

Rate this: